U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Booliska iyo madax ka tirsan Dowlad oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Janeraal Maxamed Yuusuf Cumar oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho 

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Janeraal Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) oo saacado ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayagoo ku ammaanay kaalintii u ku lahaa dib u dhiska ciidanka iyo u adeegidda qaranka.

S/Guuto Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) wuxuu ahaa sarkaal muddo dheer u soo adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed, isagoo kaalin muuqata ka soo qaatay horumarinta laamaha ammaanka iyo sugidda nabadgelyada dalka, waxayna dadka ay isla soo shaqeeyeene ku tilmaameen Janeraal aad u firfircoonaa o dalkiisa si daacadnimo ah ugu adeegayay muddo ku dhow 50 sano.

Sargaalkan oo kamid ahaa taliyaasha ugu waaya-aragsan ciidamada qalabka sida ayaa xilal kala duwan oo dhinaca hoggaaminta ah ka soo qabtay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sida ay qireen xubno kamid ah dadkii ay isla soo shaqeeyeeni.