Diiwaan-gelinta doorashada doorashada qofka iyo codka ah oo saaka ka billaabanaysa caasimadda Muqdisho
Sheeko:Warar & Warbixino

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuraya is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ah ee ay dowladda Soomaaliya horay ugu dhawaaqday in laga qabanayo dalka, ayadoo lagu billaabayo doorashada goleyaasha deegaanka.
Is diiwaangelinta ayaa si rasmi ah looga daahfuri doonaa degmada Shangaani, ayadoo dadweynaha degmadaasi ay nasiib u yeesheen inay lagu billaabo muwaadiniinta loo diiwaangeliyo codbixiyaasha doorashada qofka iyo codka ee dowladdu horay u shaacisay.
Ammaanka caasimadda, gaar ahaan Degmada Shangaani ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo la filayo in masuuliyiin ka tirsan dowladdu ay daahfuraan is diiwaangelintan oo ah tii ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda in ka badan 50 sano ah.