Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ay Alshabaab ku qaadeen degmada Aadan Yabaal

Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay saaka aroortii hore weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen magaaladaas, waxaana laga maqlayaa rasaas xooggan oo ka dhacay halkaas.
Goobjoogeyaal la hadlay goobjoog News ayaa sheegay inay maqleen jug xoogan iyo rasaas ka dhacaysa magaaladaas, sidoo kale waxaa aadan Yabaal ka da’aya roob xooggan, taas oo adkaynaysa in si fudud lagu helo isgaarsiinta deegaankaas.
Aadan Yabaal ayaa ah degmo istiraatiiji ah, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab halkaas u joogay.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarkaas, waxaana laga war sugayaa in waxa ka soo kordhi doona arrintan oo aan illaa hadda faahfaahin dhameystiran laga hayn, wixii ka soo kordhana goobjoog News ayaad kala socan doontaan.