U bood dhigaalka

heerarkii ay soo mareen wada-hadallada DFS iyo Soomaaliland

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba joojisay wada-hadalladii kala dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo jiitamayay taniyo sanadkii 2012-kii, ayadoo DFS ku eedeysay in ay ka leexatay wadadii nabadda iyo wada-xaajoodka, ka dib markii Ra’iisul Wasaare Xamse uu booqday magaalada Laascaanood ee maamulka SSC-Khaatumo.

Wada-hadallada labada dhinac ay soo billowday sanadkii 2012-kii, ka markii shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London laga soo saaray in DFS iyo Xukuumadda Soomaaliland ay wada-hadallo toos ah yeesheen, islamarkaana beesha caalamku ay kaalin weyn ka qaadato arrintaas.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horreeyey ee fool ka fool oo ay isu soo hor fadhiistaan masuuliyiin ka kala socata labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, sanadkii 2012-kii, xilligaas oo ay xukunka hayeen madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Kulamadii London waxay labada dhinac waxay isku afgarteen in wada-hadallada la sii wado iyo in madaxda labada dhinac ay yeeshaan kulamo toos ah, waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in layska kaashado ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo burcad-badeedka.

Sanadkaas 2012-kii waxaa dalka Isku tagga Imaaraadka carabta ku kulmay madaxweyne Shiikh Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo, sanadkii xigey ee 2013 waxaa magaalada ankara ee dalka Turkiga ku kulmay wufuud ka kala socatay labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo.

Shirka ankara oo uu goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas Ra’iisul Wasaare ahaa iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda Axmed Daud oglu waxaa laga soo saaray qodobo ay kamid ahaayeen: xoojinta nabadgelyada gobolka, wadaagista xogaha ammaanka, wadaagista deeqaha iyo tababarrada, iyo in 90 cisho gudahood mar kale Turkiga laysku arko.

Bishii July, sanadkii 2013-kii shir ay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku yeeshaan hoggaamiyaasha labada dhinac iyo wufuud la socatay ayaa laga soo saaray heshiis ay ugu muhiimsanayd in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulaysay taniyo 1991-kii, islamarkaana xarun looga dhigo magaalada Hargeysa.

January 2014-kii shir ka dhacay isla Magaalada Istanbul ayay labada dhinac ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii maamulka hawada loogu wareejin lahaa dhanka Hargeysa.

Isla sanadkaas 2014-kii Jabuuti ayaa mar kale laysku arkay, waxaana lagu heshiiyey in wada-hadallada dib loo billaabo, sanadkii xigey ee 2015-kiina shir ka dhacay Turkiga ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay kamid ahaa: inaan la siyaasadayn arrimaha gargaarka bini’aadantinimada iyo hormarka.

Wixii ka dambeeyay shirkaas wada-hadallada tooska ah ee labada dhinac muddo 5 sano ku dhow ayay hakad geleen ilaa la gaaray bishii June, sanadkii 2020-kii, xilligaas oo bishii Febraayo ay Farmaajo iyo muuse Biixi ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, bishii June ee isla sanadkaas dalka Jabuuti ay isugu tageen wufuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Bishii December, sanadkii 2023-kii ayuu kulankii ugu dambeeyay labada dhinac ku dhex maray Jabuuti, balse maalmo yar ka dib waxaa soo shaac baxay is afgaradkii buuqa badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Soomaaliland, kaas oo loo arko inuu kala fogaanshihii iyo xiisaddii ugu sarreysay ka dhex abuuray dhinacyada.

Markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro waxaa rajo weyn laga qabay in wada-hadallada iyo macaamilka asn tooska ahayn DFS iyo Xukuumadda SL ay wax iska badeli doonaan, balse faragelinta shisheeye, aqoonsiga aan la hubin ee Mareykanka laga filayo, iyo arrimaha SSC-khaatumo ayaa keenay in Soomaaliland ay gebi ahaanba joojiso wada-hadalladii.

Si kastaba muddada dhawr iyo tobanka sano ah ee ay wada-hadalladu socdeen labada dhinac marna iskuma afgaran wax ka baxsan sii wadista wada-hadallada, ka wada-shaqaynta ammaanka, arrimaha bini’aadantinimada, maamulka hawada iyo fududeynta isku socdka labada dhinac.