U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’ïisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay

kulanka labada masuul ayaa qeyb ka ahaa latashiyo uu madaxweynuhu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay baahisay villa Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.