Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ay deegaanku gobolka Hiiraan ku qaadeen aagga tuulada Aboorey
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay ciidanka deegaanka Gobolka Hiiraan ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Kooxda Alshabaab oo ku deegaanka Aboorey ee gobolkaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al-Shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxayna halkaas ku qaadeen weerar culus oo khasaare dhaliyay sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa laga soo xigatay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay uu gaaray xubnihii Al-Shabaab ee goobtaas ku sugnaa, waxayna ciidanka deegaanku sidoo kale 24-kii saac ee la soo dhaafay weerar ku qaadeen deegaanno u dhexeeya degmada Aadan yabaal iyo magaalada Mabaax.