Dagaal xooggan oo ka socda deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo Alshabaab, ka dib markii weerar qaraxyo ku billowday ay kooxdu ku qaadeen saldhigyo ciidanku ay lahaayeen.
Ilaa hadda dowladda Soomaaliya arrintan kama hadlin, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, balse goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay inay saaka jarmaadii hore ay Alshabaab deegaanka soo weerareen, ilaa haddana xabbadu dhacayso.
Wargaadhi waxaa ku yaalla mid kamida saldhigyada ugu muhiimsan ee militariga Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku yaalla garoon diyaaradeed oo ay adeegsadaan ciidamada qalabka sida, kaas oo bilo ka hor ay dowladdu ku dhawaaqday inay si casri ah u dhisayso.