U bood dhigaalka

Puntland oo deegaannada Howgalka Daacish ka socdo ka mamnuucday doomaha safarka ah

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa Shir-Guddoomiyey Shir lagu dardargelinayay dhameystirka hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ee wejigii saddexaad maraya.

Dhammaadkii shirka waxaa laga soo saaray qodobadan:

1. Waxaa la faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado Hubka sharci darada ah, Gaadiidka lagu keeno iyo cidkastoo ku lug leh.

2. Waxaa markale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada kusoo gelaysa Puntland iyo qulqulka tahriibta, masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga waxaa la farayaa in ay ka hawlgalaan qululka tahriibta.

3. Illaa Amar danbe waxaa Gaadiidka Badda (Saxiimadaha/ Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawigalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safrayaan ogolaansho.

4.Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socoto, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo.

Kulanka waxaa lagu boggaadiyay shacabweynaha Puntland, dalka iyo dibaddaba sida ay garab istaaga ugu muujiyeen Ciidankeenna geesiyaasha ah ee hawlgalka kujira, waxaana lagu booriyey in ay halkaasi kasii wadaan garab istaaga Hawlgalka.