U bood dhigaalka

Mareykanka oo doonaya in maraakiibtiisu ay si bilaash ah ku maraan kannaalada Suweys iyo Panama 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Maraakiibta militariga iyo kuwa ganacsiga ee dalkiisa loo ogolaado inay si xor ah u maraan kannaalada Panama iyo Suez.

Trump ayaa intaas ku daray in Ameerika la’aanteed kannaaladaasi aysan jiri karin, sidaas awgeedna uu ka codsaday Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda inuu arrintan si degdeg ah uga howlgalo.

Dalalkan ay kannaaladani maraan ee Masar iyo Panama ayaa canshuur xooggan ka qaada maraakiibta adeegsanaysa, ayadoo Xukuumadda Qaahira ay dhaqaale gaaraya $3.991 billion oo dollar uu sanad walba uga soo xaroodo kannaalka Suweys.