Ciidanka Macawisleyda oo howlgal ay gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyeen ku diley xubno ka tirsan Alshabaab
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen howdka Ciid-ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku dileen xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Hoggaamiyaha Macawiisleyda aagagga degmada Mahadaay, Cismaan Beerey, oo howlgalkaas hogaaminaayey ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, islamarkaana ay ka furteen hubkii ay wateen.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xuddun u ah howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo ay militariga Soomaaliya, Daraawiishta Hirshabeelle, iyo xoogagga macawiislayda dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan aaggaas.