U bood dhigaalka

Ruushka oo dalka Ukraine uga dhawaaqay 3 maalmood oo xabbad-joojin ah

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 3 maalmood ah, asagoo dhinaca Xukuumadda Ukraine ugu baaqay inay aqbalaan xabbad-joojintaas.

Xabbad-joojinta ayaa looga golleeyahay lagu weyneeyo munaasabadda 80 guuradii ka soo wareegatay guushii Midowga Soofiyeeti uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida.

Kremlin-ka ayaa sheegay in xabbad joojintu 72-saacadood ah ay socon doonto laga billaabo 8-da May illaa dhammaadka 10-ka May, wuxuuna ugu baaqay Kiev inay qeyb ka noqato xabbad-joojinta.

Dowladda Ukraine ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin xabbad-joojintan ay Moscow ku dhawaaqday, lamana oga sida ay tillaabadani u dhaqan-geli doonto.