U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal ay ciidanka deegaanku kooxda Al-Shabaab kula galeen gobolka Hiiraan 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dagaal xooggan oo ay Ciidanka deegaanku uga hortageen weerarro ay Alshabaab ku soo qaaday deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

Warka ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidanku ay si weyn uga hortagedn duullaan ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday, islamarkaana ay jabiyeen oo ugu yaraan 25 xubnood ka dileen dagaalameyaashii soo weeraray.

Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo 3 kamid ahi ay qabaan dhaawacyo culus, ayadoo hub iyo saanad badanna gacanta ku dhigey sida lagu xusay War saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka go’antahay inay si dhab ah ula dagaallanto kooxda Alshabaab, ayadoo tilmaamtay in dadka reer Hiiraan ay tusaale u yihiin geesinimada dadweynaha Soomaaliyeed ee la dagaallamaya kooxdaas.