U bood dhigaalka

AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Duqeyn Cirka ah ku Qaaday Kooxda ISIS

Taliska Mareykanka ee Afrika (U.S. AFRICOM), iyagoo iskaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa fuliyay weerar cirka ah oo qorsheysan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee ISIS, iyadoo la doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxdaasi ee ku sugan Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa ka dhacday qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso, oo ku taalla gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.

Weerarkan oo weli la sii wado qiimeynta saameynta uu geystay, ayaa lagu bartilmaameedsaday dhaqdhaqaaqyo argagixiso, iyadoo hadafka ugu weyn yahay in la garab istaago Ciidamada Amniga Puntland dadaallada ay ugu jiraan sifeynta kooxda ISIS ee gobolkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysay iskaashiga adag ee ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, taas oo qeyb weyn ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.