U bood dhigaalka

Madaxda dhaqanka SSC-Khaatumo iyo Soomaaliland oo ku kulmay magaalada Qabri Dahare

Sheeko:War

Madaxda dhaqanka Soomaaliland iyo SSC-khaatumo ayaa markii ugu horeysay taniyo dagaalkii Laascaanood ku kulmay munaasabad dhaqan oo ka dhacday magaalada Qabri dahare ee deegaanka Soomaalida.

Isimadda labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed ayaa is dhaafsaday hadallo ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo hoos u dhigista xiisadda maamulladooda.

Sidoo kale Isimadda ayaa ballanqaaday inay ka shaqaynayaan in maamulladooda mid waliba uu deegaankiisa ku koobnaado oo dhul ballaarsiga iyo dullaanka meesha laga saaro.

Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayuu dagaal lagu hoobtay ku dhex maray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sanadihii 2022 iyo 2023, balse dadka deegaanka ayaa markii dambe ku guulaystay inay ciidamada Soomaaliland ka saaraan gobolkaas.