U bood dhigaalka

Imaaraadka oo si weyn u hubaynaya maamulka Puntland 

Tan iyo wixii ka dambeeyay 2010-kii, dowladda isku tagga Imaaraadka Carabtu waxay xoojinaysay xiriirkooda milatari iyo midka istiraatijiyadeed ee ay la leedahay Puntland, oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xiriirkan waxaa sal u ah dano istiraatiji ah oo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, ilaalinta marin-biyoodka Bab el-Mandab iyo Badda Cas, iyo saamaynta siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Imaaraadka Carabtu waxay tababaro siiyaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa la dagaallama Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Tababaradaas waxaa lagu bixiyaa gudaha Puntland, iyo sidoo kale xarumo Imaaraadku leeyihiin oo ku yaalla dalalka dariska ah, waxayna xoogagga ay abu Dhabi Carbiso ku qalabaysaa hub casri ah oo aysan ka warqabin dowladda Federaalku.

Hubkaas oo markiisii hore ku koobnaa kuwa fudfudud maadaama dalka ay cunaqateyni saarnayd ayaa hadda isku badelay saanad ciidan oo culus, waxayna dhowaan Puntland heshay diyaaro dagaal iyo baabuur gaashaaman, kuwaas oo qeyb ka noqanaya dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Sidoo kale warar kale oo ay Puntland beenisay ayaa sheegaya in Imaaraadku uu dhowaan mid kamida saldhigyadiisa magaalada Boosaaso ku rakibay qalabka difaaca hawada oo lagula socan doono dhawaaqa cirka ee deegaanadaas iyo dalka intiisa kaleba.

Imaaraadku sidoo kale wuxuu Puntland kula jiraa heshiisyo ay kamid tahay maamulka dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso, kuwaas oo aysan dowladda Federaalka Soomaaliya wax kaalin ah ku lahayn, toosna u dhex maray Xukuumadda Puntland iyo dalka Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee joogitaanka Imaaraadka ee gobolku wixii ka horreeyay sanadkii 2017-kii waxay u muuqatay mid ku kooban tababarka ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha si looga hortago falalka burcad-badeedka ee halista ku ah ganacsiga dunida, balse haatan Abu Dhabi waxay dhisaysaa saldhigyo ciidan iyo xoogag u dhega nugul oo saameyn weyn ku leh amniga iyo madax-bannaanida Soomaaliya