U bood dhigaalka

Sooyaalka Xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq iyo danaha ay wadaagaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado ka hor ka dagey magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono masuuliyiinta dowladdaas.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada tirsan ururrada Jaamacadda Carabta iyo iskaashiga Islaamka ayaa ah laba dal oo dano iyo duruufo badan wadaaga, markii la eego xaadaha ay hadda ku jiraan iyo sooyaalkii horeba.

Xariirka walaalnimo, ilbaxnimo, iyo ganacsi ee labada shacab oo qarniyaal soo jiray ayaa horseeday iskaashi iyo xulufanimo jirid adag oo dowladahani ay lahaayeen taniyo markii ay madax-bannaanida kala qaateen gumeysteyaashii Yurub,balse xariirka tooska ah iyo shaqada safaaradaha ayaa hoos u dhacay xilligii adkaa ee labada dal ay wahayeen qalalaasaha siyaasadeed iyo dagaallada sokeeye.

Taageerada Ciraaq ee Soomaaliya: Intii ay jireen dowladihii rayidka ahaa ilaa xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, Ciraaq waxay ka mid ahayd dowladihii Carabta ee taageeray Soomaaliya, gaar ahaan xagga tababarka ciidanka iyo waxbarashada, Arday badan oo Soomaaliyeed ayaana wax ka bartay jaamacadaha dalkaas, ayadoo sidoo Duuliyaal iyo saraakiil ciidan oo tayo lihi ay tababarro heer sare ah ku soo qaateen.

Xaaladda Xiriirka Hadda

Xiriirka labada dal ayaa hadda dib u soo kabanaya, iyadoo labada dhinac ay danaynayaan inay xiriirkaas dib u xoojiyaan, waxaana jiray kulamo diblomaasi ah iyo is-afgaradyo lagu ballan qaaday iskaashi dhinacyo badan leh oo taabanaya dhanka waxbarashada, ganacsiga, amniga, iyo Teknolojiyadda.

Duruufaha ay wadaagaan

Amni iyo Siyaasad: Labada dalba waxay la daalaa-dhacayaan caqabado amni iyo kuwa siyaasadeed oo saameyn ku leh xiriirkooda diblomaasi, waxayna laba dowladood ka simanyihiin ka soo kabashada burbur qaranimo, dagaallada sokeeye, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Si kastaba ha ahaatee Xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq wuxuu leeyahay saldhig taariikhi ah oo adag, waxaana la filayaa in mustaqbalka dhow uu sii xoogaysto, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, iyo diblomaasiyadda.