U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in ay dishay ninkii Shabaab u qaabilsanaa Hoobiyeyaasha

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad­sugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge sare oo Shabaab u qaabilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2023.

Ciidanka NISA oo si ulakac ah u fuliyay dhaqdhaqaaqan Horjoogahan ayaa Howlgalku fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhamaan Maleeshiyada kii ilaalada u ahaa.

Dhinaca kale, ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab ilaa xalay ay ciidamada NISA, ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu dilay 46 Shabaab ah oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganaayeen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad­sugidda Qaranka ee NISA, ayaa kor u qaadday howlgal­lada qorsheysan ee lagu beegsanayo Shabaab, xilli Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada hawlgalladu ay ka socdaan.