Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo soo bandhigay hub ay ka furteen Al-Shabaab
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Kumaandooska Danab oo kooxda Al-Shabaab dagaal adag kula galay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada ayaa soo bandhigay hub iyo saanad ciidan oo ay ka furteen kooxdaas.
Hubka ay ciidamadu soo bandhigeen ayaa isugu jira qoryaha fudud, rasas badan iyo agab kale, ayagoo sidoo kale sheegay inay dileen 48 kamid ah dagaalameyaasha kooxdaas, halka kalena nolosha lagu qabtay.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ayaa sheegay in howlgalku sii socon doono ilaa kooxda Al-Shabaab laga saarayo goobaha ay dalka kaga suganyihiin.