Maxaa looga hadlay kulanka Agaasimaha NISA iyo odayaasha deegaanka Moqokori?
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa magaalada Moqokori kulan kula yeeshay odayaasha deegaanka.
Kulankan ayaa looga tashanayay dardar gelinta dagaalka kooxda Al-Shabaab oo si xawli ah uga socda gobolka Hiiraan, waxayna taliyaha iyo waxgaradka uu la kulmay iska xog wareysteen xaaladda deegaanadaas, taageerada dowladda ee macawiisleyda, iyo dardargelinta dagaalka Alshabaab.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli bulshada gobolka Hiiraan iyo xoogagga macawiislayda oo taageero ka helaya Ciidanka dalka iyo dowladdu ay dagaal adag kula jiraan Alshabaab, waxayna socda howlgallo dib loogu qabsanayo deegaanno horay looga soo baxay.