U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay sameynayso Talis gaar ah oo laga howlgaliyo ciidamada Macawisleyda 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhisayso talis gaar ah oo laga howlgaliyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleyda, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay hadda ku howlanyihiin sidii ay u hirgelin lahaayeen taliskaas oo ah mid loo adeegsan doono abaabulka iyo howlgelinta Macawisleyda dalka oo dhan.

” Macawisleyda qorshe ayaan u haynaa xooggan, waxaan rabnaa meel howlgelin dhexe ah oo dalka oo dhan ah in loo sameeyo, oo hadda ka dib dad diyaarsan oo tiradooda, hubkay haystaan iyo baahiya ay qabaan si loogu talo-galo” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda ayaa seddaxdii sanoo la soo dhaafay aad uga dhex muuqday goobaha dagaalka ee deegaanka Hirshabeelle iyo Galmudug, ayagoo horseed u noqday in deegaanno badan laga saaro kooxda Alshabaab.