U bood dhigaalka

Hirshabelle oo xariirka  u jartay Hay’adda SoDMA

Sheeko:War

Dowladda goboleedka Hirshabelle ayaa
War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay xariirka u jartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo ay ku eedaysay wax is daba-marin.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri ” waxa aan si rasmi ugu cadeeyna cidksta oo ay quseeyo in aan joojinay xiriirkii wadashaqeyneed Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Mohamud Mo’alim.

Cabashadayadu waxay ku saleysan tahay:

1. Wada-shaqeyn xumo baahsan oo si joogto ah uga dhex jirtay Hay adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Hirshabelle.

2. Ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabelle, taas oo keentay in la baalmaro baahiyaha dhabta ah iyo mudnaanta deegaanka.

3. Hufnaan la’aan iyo maamul xumo ka jirta habraaca maareynta gargaarka dowladda dhexe ugu talagashay shacabka Hirshabelle iyadoo tusaale cad u tahay dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhacday degmada Moqokori, taariikhdu markay ahayd 24-kii May 2025, ee uu ku geeyay, afar (4) kartoon oo dawo ah, taasoo ah arrin aan la aqbali karin, una muuqata hab-dhaqan aan u qalmin mas’uul qaran, kana hor imanaysa nidaamka dowliga ah

Sidaas darteed, Wasaaraddu Waxey cadeyneysa in aysan jirin wax xiriir wada-shaqeyn ah oo hadda u dhexeeya Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka. Waxa kale oo aan si rasmi ah u muujineynaa in aanu kalsooni ku qabin in uu matalo danaha iyo baahiyaha shacabka Hirshabelle, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha la xiriira gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka.

Waxaan ugu dambeyn qoraalkan u diraynaa cid kasta oo ay khusayso in ay ogaadaan mowqifka rasmiga ah ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle ee ku aaddan dowladda Hirshabelle”.