U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jabuuti oo Imaaraadka ku tilmaamay dal halis ku ah qaaradda Afrika 

Sheeko:War

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u dhaleeceeyay saameynta dowladda Imaaraadka Carabta ee gobolka Geeska Afrika, isagoo ku eedeeyay UAE inay balaayiin doollar oo maalgalin ah ku bixiso Afrika, balse ay dhaqaalahaas ka leedahay dano milateri iyo istiraatiijiyado gaar ah.

Wareysi uu dhawaan siiyay Radio-ga France Internationale, Madaxweyne Geelle waxa uu ku sifeeyay ololaha maalgashiga Imaaraadka ee 110-ka bilyan ee doolar ee qaaradda oo dhan inuu yahay xeelad istaraatiiji ah oo lagu ballaarinayo dhaqdhaqaaqa ciidamadiisa, iyadoo lagu hoos qarinayo horumar dhaqaale.

“Imaaraadku waxay si qoto dheer u carqaladeynayaan xasilloonida gobolka,” ayuu yiri, wuxuuna hadalkiisu ku soo beegmayaa xilli Abu Dhabi ay si weyn ugu lugleedahay xaaladda cakiran ee dalka Suudaan, xasillooni-darrada siyaasadeed iyo qalalaasaha Soomaaliya, iyo colaadaha ka holcaya dalka Yemen.