Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeyn diyaaradeed oo ay ciidanka AFRICOM ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal duqeyn diyaaradeed ah oo ay ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose.
War qoraal ah oo ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri ”
Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay meel qiyaastii 40 meel waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka”.