Mungaab oo loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho.
Magacaabistan ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha uu tixgeliyay soo-jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleeyay go’aankiisa aqoonta iyo waayo-aragnimada uu leeyahay Dr. Muungaab, oo horey xilkan u soo qabtay, isla markaana door muuqda ka qaatay dib-u-dhiska magaalada Muqdisho iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu mudnaan siiyo horumarinta Caasimadda, dib u heshiisiinta bulshada, xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga, kor u qaadista bilicda magaalada, iyo baahinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hay’adaha dowladda ee ay wada shaqeynta ka dhaxeyso Maamulka Gobolka Banaadir ku boorriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan hoggaanka cusub, si loo xaqiijiyo horumar iyo nabad waarta.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Dr. Xasan Muungaab in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo xusay in magacaabistaan ay dhaqan gashay laga bilaabo maanta, oo ay ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.