Trump oo Canada hordhigey inay Mareykanka ku biirto iyo doorasho labaad

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dalka Canada ka dalbaday inay inay kala doortaan inay ku biiraan barnaamijka gantaallada Gold Dome ama ay noqdaan gobolka 51-aad ee Mareykanka.
“Canada waxaan u sheegay in ku biirista nidaamka gantaalaha ee Gold Dome ay ku kacayso 61 bilyan oo doolar haddii aysan ku biirin Mareykanka” ayuu yiri Trump oo arrintan ka hadlayay.
Waxa uu intaa ku daray in uu u xaqiijiyay dadka reer Canada in aysan waxba bixin doonin si ay ugu biiraan nidaamka Gold Dome haddii uu dalkoodu noqdo gobolka 51-aad ee Mareykanka, ayna ka fiirsanayaan yaboohan.
Siyaasiyiinta dalka Canada ayaa horay uga carooday baaqa Trump ee ku biirista dalkiisa, ayadoo maamulkiisu uu Xukuumadda Ottawa ku soo rogtay canshuuro xad-dhaaf ah oo saameyn ku yeeshay badeecadaha isaga gudba labada dhinac.