Taariikh nololeedka guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana Duqii caasimadda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, asagoo xilkaas u magacaabay Janaraal Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).
Janaraal Mungaab oo horay u soo qabtay xilkan sanadihii 2014 ilaa 2015, ayaa kamid ahaa madaxdii ugu firfircoonayd ee gobolka soo martay, waxaana
filayaa inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan caasimadda iyo dadweyneheedu, kuwaas oo ay hormuud u yihiin xoojinta nabad-gelyada, burburka waddooyinka, nadaafad xumida, iyo caqabadaha kale haysta magaala madaxda dalka.
Taariikhda Guddoomiye Mungaab
<span;>Janaraal Xasan Maxamed Xuseen, oo loo yaqaan “Mungaab”, wuxuu dhashay 31-dii Maarso 1972, asagoo ku dhashay <span;>tuulada Muungaab ee degmada Warsheekh, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya, halkaas oo uu ku bartay qur’aanka, asagoo markii dambena u soo wareegay waxbarashadiisa sare ku dhammeystay magaalada Muqdisho.
Janaraal Mungaab intaan sanadkii 2014-kii loo magacaabin guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka qalabka sida ee kaalinta weyn ka soo qaatay dagaalkii Alshabaab looga saaray magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka kamid ah, asagoo soo qabta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida intii u dhexaysay 2011-kii ilaa 2014-kii.
Janaraal Mungaab sidoo kale wuxuu soo qabtay xilka wasiir ku xegeenka caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 2016-kii ilaa 2017-kii, ka dibna wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga caddaaladda iyo Hormarka.
Janaraal Mungaab waa sharci-yaqaan ka baxay Jaamacad ku taalla dalka Suudaan, waxaana laga sugayaa inuu si muuqata wax uga qabto dhibaatooyinka dhan walba leh ee caasimadda iyo dadkeedu ay la daalaa-dhacayaan.