Maxaa looga hadlay kulanka Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka Talyaaniga?

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan taageerada ay Talyaanigu siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Waxaana sidoo kale laga wada hadlay kor u qaadidda tayada iyo tababarrada ciidanka, iyo qalabeyntooda si ay ugu diyaar garoobaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta muuqata ee ay ka qaadato dib-u-dhiska iyo tayeynta CXD, isagoo tilmaamay in taageeradaasi ay tahay mid laf-dhabar u ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xasilinayo dalka.
Dhankiisa, General Luciano Portolano ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladdiisu uga go’an tahay sii wadidda xiriirka laba geesoodka ah iyo dardargelinta mashaariicda lagu horumarinayo awoodda difaac ee Soomaaliya, waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaalka dowladda Soomaaliyeed ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya taageera, ayadoo Xukuumadda Federaalka mashaariicda hormarinta, waxbarashada iyo arrimaha ammaanka.
O