Ciidanka Puntland oo la wareegay taliskii kooxda Daacish ee ee Miiraale

Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa la wareegey taliskii kooxda Daacish ee Miiraale, sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho Xukuumadda PL.
Taliskaan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa xarun muhiim ah oo ay kooxda ku qorsheyn jirtay weerarada iyo tababarka dagaalyahanadeeda ka,howlgala gobolka Bari iyo deegaanada kale ee dalka.
Qabsashada taliskan ayaa timid kadib howlgallo qorshaysan oo ciidamada amniga Puntland ay muddooyinkii dambe ka wadeen buuraha Galgala iyo nawaaxigooda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in la helay agab ciidan iyo dukumiintiyo muhiim ah oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadda Daacish ee gobolka.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya amniga deegaannada maamulkaas.