U bood dhigaalka

Kenya oo siyaasad laba wajiilenimo ah kula dhaqmaysa DFS 

Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan xuduud dheer, dano dhaqaale, amni iyo xiriir taariikhi ah oo ay gundhig u tahay tixgelinta midnimada iyo madax-bannaanida labada dal, ganacsiga, iyo iskaashiga siyaasadda heer gobol iyo midda caalamiga ahba.

Inkastoo curfiga ee xiriirka laban dal ee deris ahi uu mabaadii’ lama dhaafaan ah ku dhisanyahay, haddana mararka qaar Kenya waxay qaataa tillaabooyin xadgudub bareer ah ku ah dowladnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ayadoo faragelinta toos ah ku samaysa arrimaha gudaha JFS.

Tusaalaha muuqda ee arrintani waa sida ay Kenya ula dhaqato dowlad federaalka iyo Soomaaliland , kuwaas oo dowladda Kenya ay xariir toos ah la yeedahay mararka qaarna ay diyaarado gaar ah u soo dirto si ay daneheeda ugala xaajooto.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Kenya waxay u bareertay inay tillaabooyin toos u wiiqaya deris wanaagga iyo jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya, ayadoo isku dayday inay badda Soomaaliya xoog ku qaato, sidoo kalena ciidamadeeda Jubbooyinka iyo Gedo ka howlgala u adeegsatay dano siyaasadeed oo xadgudub ku ah JFS.

Soomaaliya waqtigaas waxay ku dadaalaysay in ay siyaasad daris wanaag kula dhaqanto dalalka soohdinta la leh, balse waxay si weyn uga dhidisay damaca Kenya ee bad-doonka iyo dhul ballaarsiga ah, ayadoo kiiskii badda maxkamadda caalamiga ah geysay, sidoo kalena guddi qeymayn ah u saartay darbi ay Xukuumadda Uhuru Kenyatta ka dhisaysay xad-beenaadka.

Dowladdii madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddii Uhuru Kenyatta waxay si weyn ugu dagaalamayeeen deegaannada Jubbaland, ayadoo madaxda Kenya ay xilligaas dhawr oggolaansho la’aan ku yimaadeen Kismaayo iyo Dhoobley, islamarkaana ay si bareer ah u jabiyeen go’aamo ay soo saartay XFS.

Isla muddo xilleedkaas Kenya waxay xoojisay xariirka Soomaaliland, ayadoo Uhuru Kenyatta oo qasriga madaxtooyada dalkaas si heer sare ah ugu qaabilay muuse Biixi, sidoo kalena oggolaansho siiyay furitaanka Xafiis Dublamaasiyadeed oo Soomaaliland ku yeelato Nairobi.

Soomaaliland oo faragelinta Kenya ka jawaabaysa ayaa xilligaas qaaday tillaabooyin ay kamid yihiin joojinta qaadka, iyo xariirka dalkaas oo hoos loo dhigay, islamarkaana ku dhawaaday kala goosasho dublumaasiyadeed oo dhammaystiran.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ruto 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la doortay sanadkii 2022-kii ayadoo xariirka laba dal go’anyahay, sidoo kalena Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya ka yimaada, balse madaxweynuhu wuxuu fasaxay qaadkii, sidoo kalena wuxuu xariir wanaagsan iyo saaxiibtinimo u muujiyay Madaxweyne William Ruto oo isla xilligaas la doortay.

Xariirka laba dal ayaa rajo weyn laga qabay inuu noqdo mid deris wanaag iyo ixtiraam ku dhisan, balse Xukuumadda Ruto waxay sanadihii la soo dhaafay qaatay tillaabooyin cad cad oo xadgudub toos ah ku Soomaaliya, waxayna xoojisay faragelinteeda Jubbaland, ayadoo sidoo kale Soomaaliya ka reebtay dalalka ay dadkooda visa la’aanta ku tagi karaan dhulkeeda.

Sidoo kale Kenya waxay dhowaan war saxaafadeedyo is diiddan ka soo saartay safarka Madaxweynaha Soomaaliland, ayadoo xilli sheegtay inay aqoonsatahay midnimada Soomaaliya, xilli kale sheegtay inay joojisay xafladdii jarig jarka xaafiiska Soomaaliland, madaxweyne cirrana dhaqmayso sida hoggaamiye maamul goboleed.

Inkastoo war-saxaafadeedyo arrintaas ku saabsan ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, haddana dowladda dalkaasi waxay oggolaansho buuxa oo xaafiis siyaasadeed ah siisay Soomaaliland, madaxweyne Ruto si meeqaam sare ah ayuu u qaabilay Cirro,xafladdii xarig jarka xaafiisku si heer sare ah ayay u dhacday, sidoo kalena madaxda Soomaaliland waxaa lagu casuumay xarunta Baarlamaanka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Kenya waxay sheegtaa inay taageersan tahay midnimada Soomaaliya iyo inaysan faragelin ku hayn arrimaheeda gudaha, balse marnaba kama waantowdo ku dhiirashada tillaabooyinka dhaawacaya madax-bannaanida JFS.