U bood dhigaalka

Soomaaliya: Furinta Koowaad ee Dagaalka Argagixisada ee Afrika

Soomaaliya waxay hadda ka mid tahay meelaha ugu halista badan ee uu ka socdo kacdoonka kooxaha argagixisada ee Afrika, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida, iyo kooxda ISIS.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hoggaamiyo Jeneraalka Ciidanka Badda ee Mareykanka, Michael Langley, ayaa sheegay in Soomaaliya laga fuliyay in ka badan 25 duqeyn sanadka 2025, taasoo laba laab ka badan duqeymihii sanadka hore ee 2024.

Jeneraal Langley oo ka hadlayey shirkii madaxda difaaca ee Afrika ee ka dhacay Nairobi, Kenya, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan kororka weerarrada kooxaha xagjirka ah ee ka jira galbeedka iyo bariga Afrika, gaar ahaan Saaxilka iyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in guusha waarta ee la gaari karo aysan ahayn kaliya duqeymo cirka ah, balse ay u baahan tahay istiraatiijiyad dhammeystiran oo lagu xalliyo sababaha aas-aasiga ah ee qalalaasaha – sida dowlad-darrida, dhaqaale xumada, iyo cadaalad la’aanta.

Iyadoo Mareykanka uu dib u eegayo istiraatiijiyaddiisa Afrika, waxaana sii xoogeysanaya su’aalaha laga qabo haddii Mareykanka uu sii yareyn doono ciidamada uu ku leeyahay qaaradda. Isla markaana, dalalka China iyo Russia ayaa durba bilaabay inay buuxiyaan kaalintii Mareykanka ee qaaradda, iyagoo xiriirro dhaqaale iyo militari la samaynaya dowladaha maxalliga ah.

Jeneraal Langley waxa uu ku adkaystay in istiraatiijiyadda AFRICOM ay tahay iskaashi aan ku dhisnayn ku tiirsanaan. “Waxaan rabnaa inaan dhisno awoodo joogto ah oo Afrikaan ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinkooda. Waa inaan wadajir uga shaqeynaa amniga dalalkooda iyo dalkeena Mareykanka,” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika waxay wajahayaan marxalad adag oo u baahan iskaashi dhab ah oo dibadda iyo gudaha ah si looga hortago faafitaanka argagixisada oo khatar ku ah nabadda caalamka.