U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay si loo xakameyn karo hubka sharci-darrada ah

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sida loo xakameyn karo hubka sharci-darrada ah, gaar ahaan midka gacanta ugu jira dadweynaha iyo kooxaha aan dowliga ahayn.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Xuseen Macallin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe lagu xakamaynayo hubka ay gacanta ku hayaan dadweynuhu.

Xuseen Macallin ayaa sheegay in yaraynta iyo xakameynta hubka sharci-darrada ah loo mari karo laba hab oo kala ah in dadka haysta dib u heshiisiin buuxda loo sameeyo iyo in la xoojiyo hay’adaha dowladda awoodda u leh ka hortagga hubka.

Taniyo sanadkii 1991-dii waxaa si xawli ah u sii kordhayay hubka aan sharciyaysnayn ee dalka soo galaya, kaas oo intiisa badan ay haystaan beelo iyo kooxo aan dowladda ka tirsanayni, wuxuuna kaalin weyn ku leeyahay xasillooni darrada ammaan ee dalka.