Maxaad ka ogtahay tayada diyaaradaha dagaal ee Turkigu uu siiyay Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga kala wareegtay seddax diyaaradood oo ah nooca loo yaqaanno T129 ATAK, ayadoo dalalka Afrika aysan horey u soo gaarin diyaaradaha noocaas ahi.
Diyaaradda T129 oo uu soo saaro Turkigu waa nooc kamid Helicopter-da weerarrada fuliya ee ugu tayada wanaagsan dunidu, ayadoo loo adeegsado weerarada, howlgallada sirdoon, iyo ilaalinta ciidamada lugta ah.
Diyaaraddan waxaa ku rakiban hubka loo yaqaanno M197 3-barrel rotary cannon), iyo gantaallada lidka taangiyada ee ATGM iyo UMTAS, waxay sidoo kale xambaarsantahay Gantaallada hawada sare wax ka toogta ee (air-to-air missiles) sida
,Stinger AAM, rasaasta 70mm Hydra rockets, iyo Qalab sirdoon oo casri ah, kaas oo raadeerro ay ku jiraan.
Dhanka xawaaraha diyaaradda T129 ATAK waxay saacaddii jari kartaa masaafo dhan 281 km, ayadoo qaadi karta laba duuliye, iyo agab culayskiisu dhanyahay 5 tan, kaas oo ay sii dheertahay Qiyaastii 1,200 kg oo miisaanka hubka ku rakiban ah.
Diyaaraddan waxaa ku xiran qalab casri ah oo u suurta-gelinaya inay haweenkii howlgallo qorshaysan fulin karto, balse dhaliisheeda ayaa ah inaysan qaadi karin ciidan ka baxsan labada duuliye ee kaxaynaya.
Dalalka ciidankooda ku qalabeeyay diyaaradan waxaa kamid ah Turkey-ga ,Philippines, Pakistan, sidoo kale Azerbaijan, Qatar, iyo Bangladesh ayaa hadda dedaal ugu jira inay iibsadaan, waxaana diyaaraddan Turkigu uu horey ugu adeegsaday kooxda mucaaradka ah ee PKK.