U bood dhigaalka

Abii Axmed waa caddaalad darro inay Itoobiya bad la’aan ahaato

Sheeko:War

Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo cadaalad darro deked la’aan, asagoo intaa ku daray in 30-kii sanoo la soo dhaafay ay culays ku noqatay waayitaanka deked ay leedahay Itoobiya.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu walaac xooggan ka qabo bad la’aanta ay 30-kii sano ee la soo dhaafay wajahayeen dadkiisu, asagoo intaa raaciyay dadaal walba la geliyay sidii caqabaddaas looga gudbi lahaa, Itoobiya aysan cidna dhibaato u geysan.

“Waan ka xumahay sida Itoobiya ay deked la’aan u ahayd 30-kii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxaa soo gaaray burbur badan oo ka dhashay deked la’aan, cadaalad daraddaas aan taariikhda ku lahayn dalalka aan deked lahayn waa in hadal lagu dhammeeyaa” ayuu yir Abiy Axmed.

Xukuumadda Addis Ababa ee hoggaamiyo ayaa billowgii sanadkii tagey isku dayday inay si sharci darro ah ku qaadato qeyb kamid ah badda ummadda Soomaaliyeed, balse ugu dambeyn arrintaas waxay kala kulantay waji gabax siyaasadeed iyo natiijo la’aan.