Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorshaysan oo ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose.
War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare,
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Kooxdu adeegsanayeen, kuwaasoo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay had iyo goor ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo dadweynaha Soomaaliyeed.