Puntland oo ka hadashay dad Koonfur galbeed ka soo jeeda oo lagu xiray Gaalkacyo

Xilli saacadihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay dad ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur galbeed oo lagu xiray magaalada Gaalkacyo, islamarkaana siyaasiyiinta qaarkood ay falkaas ku tilmaamayeen beegsi gaar ah ayaa waxaa arrintaas si faah-faahsan uga hadashay dowlad goboleedka Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Jifojabsade ayaa sheegay in dadka lagu xiray Gaalkacyo lagu xiray loo haysto magta nin ay 19 sano ka hor dileen, balse uusan jirin beegsi gaar ah oo ayaga lagu hayo, islamarkaana arrintaas aysan wax siyaasad ah la xariirin.
” ayagaa yiri hanala xiro, ka dibna intay Silsilad dhaadadka isaga xireen bay what’s app-yada reerahooda ku direen si diyada loo fududeeyo, balse reerahoodii siyaasad bay arrintii u rogeen” ayuu yir guddoomiye Faysal Jifo-jabsade.
dadkan oo ayagoo Silsiladayn sawirradooda baraha bulshada lagu wadaagayay ayaa waxaa si adag uga hadlay madax dhaqameed,Xildhibaanno, iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur galbeed, ayagoo sheegay in dadka deegaanadaas u dhashay si gaar ah loo beegsanayo.