Ciidamada Qalabka Sida oo beegsaday Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa beegsaday Cabaas Maxamed Hool, oo la tuhunsanaa in uu ka mid ahaa xubnaha sare ee Al-Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay inuu door ku lahaa abaabulka weerarro ka dhacay Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle.
Cabaas ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray intii uu socday howlgal qorshaysan oo ciidamadu hore u fuliyeen, iyadoo wararka la helay ay tilmaamayaan in dhaawacaasi markii dambe sababay xaalad caafimaad darro oo ugu dambeyntii keentay geeridiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabaas Hool uu ku jiray liiska xubnaha muhiimka ah ee ay ciidamada ammaanku muddo raadraacayeen, iyadoo la tixraacayo xogaha ay hayaan hay’adaha sirdoonka ee dalka.
Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka, iyaga oo diiradda saaraya dadka lala xiriirinayo falalka amni darro ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.