Ciidanka Xoogga Dalka oo Si Buuxda ula Wareegay Deegaannada Istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Canoole

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaannada istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Canoole, kuwaas oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ku doonayso in lagu ciribtiro kooxda Al-Shabaab, laguna xaqiijiyo xasillooni iyo amni waara.
Deegaannadan waxay door weyn ka ciyaaraan dhanka istiraatiijiyadda amniyeed ee dalka.
Sabiid iyo Canoole waxaa ku yaalla marin muhiim ah oo isku xira magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Koonfurta Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa meel muhiim u ah dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo gaadiidka rayidka ah.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalkani uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, islamarkaana uu sababay in laga saaro kooxda Shabaab ee muddada dheer ku dhuumaaleysaneysay deegaannada