Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalka Ka socda deegaanka Burjeed ee duleedka Baydhabo

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo ka socda deegaanka Burjeed ee duleedka magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed, waxayna wararku sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta oo isku dhinac ah iyo xubno ka tirsan Alshabaab uu dagaalku u dhexeeyo.
Inkastoo aan xogo dhammaystiran laga haynin dagaalka haddana dad ku sugan gobolka ayaa sheegay in dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar ku soo qaadeen fariisinka Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka Burjeed ee, waxaana halkaas ka dhacay iska-hor-imaad xoogan, balse lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo laamaha ammaanka Koonfur galbeed, balse dadka deegaanka iyo wariyaal gobolka ku sugan ayaa sheegay xogta dagaalkaas.
17-kii bishii April ayay ahayd markii xubno ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur galbeed ku lahaayeen isla deegaankaas, balse xilligaas khasaare xooggan ayaa la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed soo bandhigeen meydad badan iyo hub ay gacanta ku dhigeen.