Booliska Soomaaliya oo soo saaray amarro ku saabsan maalmaha xorriyadda
Sheeko:War

Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray amarro culus oo ku aaddan xuska maalmaha xorriyadda, ayagoo ka digay in aan wax rasaas ah la ridi karin si loo weyneeyo munaasabadaha todobaadka xorriyadda.
Taliyaha Booliska qeybta gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in maalmaha xorriyadda ay mamnuuc tahay in la rido wax ka baxsan bula-layr, islamarkaana aan la oggolayn adeegsiga rasaas nool nool.
Caawo oo ay ku beegantahay 26 juun oo ah markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ayaa la filayaa in munaasabado waaweyn oo arrintaas lagu xusayo lagu qabto dalka iyo debaddiisaba.