U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka garaabay dhibaatadii ay dowladdii kacaanku ka geysatay Soomaaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “wixii ku  dhacay walaal reer waqooyi qalad dowladi gashay ayay ahaayeen”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun oo ah markii ugu horreysay ee dhul Soomaaliyeed oo madax-bannaani helay, gaar ahaan gobollada waqooyi ayaa sheegay in ay ka go’antahay xoojinta midnimada iyo wadajirka dalku.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dhibaatadii dabayaaqadii sideetameeyadii ka dhacday gobollada waqooyi ayaa sheegay in dadka reer Soomaaliland lagula kacay gef dowladnimo, balse uusan jirin nacayb ay Soomaalida kale u qabto.

” dowlad Soomaaliyeed oo xoog badan oo caqligii iyo xoolihii Soomaaliyeed ku gaamurtay ayaa nasiib darro sida kale u isticmaashay wixii dadka Soomaaliyeed ay u dhiibeen oo ugu kalsoonaadeen, khalad ayay ahayd” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

26-ka Juun oo ahayd markii ugu horraysay oo calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed oo xor ah sanadkii 1960-kii ayaa laga xusay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, iyo Laascaanood oo maanta talo midaysan ku wada shaqayn, maamul ahaan aan heshiis ahayn.