Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay 17 nin oo lagu eedeeyay qalqal-gelin amni

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha kale ee Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo qabtay ragaan oo isugu jira shacab iyo askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo ku eedeysan inay jebiyeen amarkii lagu mamnuucay in rasaas loo adeegsado dabaal-degyada maalmaha xorriyadda.
Taliska Qeybta Guud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in baaritaano socda lagu ogaanayo hadii ay jiraan khasaare ka dhashay rasaastii xalay sida sharci darrada ah loo riday, isla markaana eedeysanayaashan la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.
Xubnaha hadda la qabtay ayaa gaaraya 17 qof, waxayna hay’adaha amnigu baadi-goobayaan tiro kale oo la tuhunsan yahay in ay xerooyin Ciidan rasaas ka dhex rideen.