U bood dhigaalka

Howlgal Culus oo Lagu Beegsaday Xarun Qarsoodi ah oo AS Ku Lahaayeen Aadan Yabaal. 

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa dhowaan hawlgal qorsheysan ka fuliyay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri la tuhunsanaa inuu u adeegsan jiray Al-Shabaab xarun dhexe oo ay ku kulmaan horjoogayaashooda, isla markaana laga maleynayo inay ku qabsanayeen shir muhiim ah.

Intii hawlgalku socday, waxa gurigaasi ka kacay dab xooggan, waxaana sidoo kale laga maqlay jug culus oo gilgishay guud ahaan degmada, taasoo muujinaysa in gurigu uu ahaa kayd hub iyo walxaha qarxa ah.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyay in hawlgalkan si taxaddar leh loo soo qorsheeyay, ujeedadiisuna ahayd in lagu bartilmaameedsado hoggaan sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Inkasta oo aan weli la shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta dowladda ayaa hoosta ka xariiqday in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab, oo marar badan isku dayday inay Aadan Yabaal ka dhigato goob ay ka soo abaabulaan weeraro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada amniga.

Hawlgalkan wuxuu ku soo beegmayaa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday bilowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ballanqaadday inaan loo oggolaan doonin kooxahaasi inay dib u soo ceshadaan gacan ku haynta deegaannadii horay looga xoreeyay. Tani waxay ka tarjumaysaa go’aanka dowladda ee ah in la sii wado cadaadiska milatari si loo wiiqo awoodda kooxda Al-Shabaab loogana difaaco bulshada Soomaaliyeed khatarta ay ka soo jeedaan.