U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweyne ku xegeenkii labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee madaxweyne ku xegeenkii labaad eedowlad goboleedyada Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud luga dheere.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelka, qaraabada iyo bulshada Jubbaland ee uu ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Sidoo kale geerida masuulkan waxaa ka tacsiyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guddoonka Baarlamaanka, iyo madaxda kale oo mucaaradka iyo muxaafidba leh.