Dab Xooggan oo ka Kacay Buurta Daallo, Gurmad Degdeg ah oo socda

Buurta Daallo ee gobolka Sanaag waxaa ka kacay dab xooggan oo sii fidaya sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dabka ayaa ku faafay dhir badan oo ku taalla dhulka buuraha ah, taas oo keentay inay adag tahay in si fudud loo xakameeyo.
Dadweynaha deegaanka iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya daminta dabka, iyaga oo adeegsanaya agabyo kooban oo ay heli karaan, dadaalladaas ayaana ah kuwo aan weli si buuxda ugu guuleysan xakameynta dabka.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in gurmad ciidan loo diro deegaanka uu dabku ka kacay, wyxuuna wasiirka Deegaanka Somaliland, Cabdillaahi Cismaan Geeljire sheegay in madaxweynaha uu si gaar ah ciidamada u faray inay ka qayb qaataan daminta dabka, isla markaana ay garab siiyaan shacabka deegaanka ee howsha wada.
Wararkii ugu dambeeya ayaa sheegaya in dabku yahay mid aad u xooggan, loona baahan yahay in si weyn loogu gurmado si loo yareeyo waxyeello ka dhalanaysa gubashada baaxadda leh.