U bood dhigaalka

Dowladda Qatar oo war ka soo saartay booqashada madaxweynaha Soomaalila

Sheeko:War

Ayadoo madaxweynaha Soomaaliland uu maalintii seddaxaad ku suganyahay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar, ayay Wasaaradda arrimaha dibedda dalkaasi war ka soo saartay kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar.

Warka ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu yiri “Mudane Sheekh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa maanta qaabilayey Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Madaxweynaha Somaliland, oo booqasho ku jooga dalka.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida halkaas, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo dhisida kalsoonida dhinacyada kala duwan.

Intii kulanka uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar waxa ay xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay furfurnaan iyo isgaarsiin wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka gobannimada iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Wefdiga madaxweynaha Soomaaliland oo markii hore sheegay inay marti-qaad booqasho oo rasmi ah ka heleen dowladda Qatar ayaa dhawr maalmood sugayay la kulanka madaxda sare ee dalkaas, ayadoo ay xusid mudan tahay in amiirka Qatar uu dalka Spain u dhoofay intii ay wafdiga Soomaaliland joogeen, halka lagu kulanka Ra’iisul Wasaarahana lagu tilmaamay mid looga hadlay hormarka iyo xasilloonida Soomaaliya.