Horjooge Faracadde oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Daaru-Nimca

Daaru-Nimca – Ciidamada deegaanka gaar ahaan Macaawislayda Daaru-Nimca ayaa howlgal gaar ah oo si xeel dheer loo qorsheeyay ku beegsaday horjooge caan ka ahaa dhibaatooyinka gobolka, laguna magacaabi jiray Faracadde.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha deegaanka Daaru-Nimca, halkaas oo ay si toos ah ugu galeen fariisin ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd.
Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay halkaasi ku toogtaan Faracadde, oo u qaabilsanaa kooxda dhanka miinooyinka, isla markaana lagu eedeeyay inuu deegaanka ka geystay falal badan oo gumaad iyo dhaawac isugu jira.
Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in Faracadde uu ahaa shaqsi khatar badan oo muddo dheer lagu raad-joogay.
Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Macaawislayda ay gacanta ku dhigeen qorigiisii, waxaana si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa deegaanka Caddaan-laxey.