U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan cadde 

Sheeko:War

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay shil diyaaradeed oo saacado ka hor dhacay gudaha xayndhaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, gaar ahaan qeybta ay degganyihiin ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca, islamarkaana ay lahaayeen ciidanka AUSSOM ay so subaxnimadii saaka ka soo duushay garoonka militariga ee ballidoogle.

Meereeyuhu wuxuu sheegay in shilku aanu wax khasaare nafeed sababin, dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda oo sideed ruux ka koobnaana ay bedqabaa, wuxuuna intaa ku daray inuu socdo baaritaan ku aaddan waxa dhaliyay shilka.

Si kastaba ha ahaatee Shilku wuxuu sababay in la xiro qeybo kamid ah garoonka, sida uu sheegay maareeye Axmed Macallin, balse ma jiro war rasmi ah oo ciidamada AUSSOM ay dhacdadan ka soo saareen.