Dowladda Itoobiya oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shidaalkii ugu horreeyay ka soo saartay deegaanka Soomaalida

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay ku guulaysatay soo saarista shidaal ay muddo dowlad deegaanka Soomaalida si qarsoodi ah uga qodaysay, waxayna sheegtay in dhowaan shidaalkaas la iib geyn doono.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo baarlamaanka dalkiisa ka hor hadlayay ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay markii ugu horraysay suuqyada keenayso shidaal ay soo saaratay, asagoo intaas ku daray in booqasho kasta oo uu horay ugu tagey dhulka Soomaaliya uu ka lahaa ujeeddo ah inuu kormeero goobaha shidaalka laga qodayo.
Mar wax laga weydiiyay sababta ay muddada dheer u qarinayeen howsha socata ee soo saarista shidaalka Abiy Axmed wuxuu sheegay inay cadow badan leeyihiin, sidaas darteed ay go’aansadeen inay si qarsoodi ah wax ku wadaan.
Itoobiya oo dhowaan joojisay mashruuc lagu doonayay in gaaska laga soo saaro dhulka Soomaalida laga dhoofiyo dekadaha Jabuuti ayaa sheegtay in shidaalka loo iib geyn doono suuqyada gudaha.