U bood dhigaalka

Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka oo Weerar Ku Qaaday Shabaabkii ku sugnaa Deegaanka Gumarre

Moqokori, Hiiraan – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka weerar qorshaysan ku qaaday kooxda Shabaab ee ku sugneyd deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu jebiyey kooxda Shabaab, iyadoo laga saaray deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in firxadka kooxda Shabaab ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle.

Goobaha lagu dagaalamay ayaa la sheegay in ay daadsan yihiin meydadka xubno ka tirsan kooxda Shabaab oo halkaas lagu dilay.

Howlgalka wali wuu socdaa, wixii kasoo kordha kala soco Goobjoog.com