Madaxweyne Xasan Sheekh Mareykanka ugu hambalyeeyay sanad guurada 249 aad ee Xorriyaddooda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka, Mudane Donald J. Trump, iyo shacabka Mareykanka munaasabadda dabaaldegga 249-aad ee Maalinta Xorriyadda Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalintan ay xasuus u tahay cutub muhiim ah oo taariikhda dadka Mareykanka, isla markaana ay caddeyn u tahay halganka joogtada ah ee loogu jiro xorriyadda, caddaaladda, iyo is-maamulidda shacabka.
Soomaaliya waxay qadarin gaar ah u hayaa mabaadi’dan qiimaha leh, kuwaas oo dhiirrigeliya dalal badan oo caalamka ka tirsan oo u taagan ilaalinta qiyamka dimuqraadiyadda.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada, kuwaas oo door weyn ka qaatay horumarka dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Madaxweyne Trump iyo dhammaan shacabka Mareykanka maalmo farxad leh oo ay ku xusayaan Maalinta Xorriyadda.